HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay safarkii madaxweynaha Soomaaliya uu ugu amba baxay magaalada Marka.
Posted by Caagane on September 03 2013
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa safarkii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu horkacaayay ay maanta ugu amba baxeen magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo maanta safar dhulka ah uga amba baxay magaalada Muqdisho ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose waxaana halkaasi loogu soo dhaweeyay si aad u heersareeysa.

C/qaadir Maxamed Nuur Sidii oo ah gudoomiyaha gobalka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya oo goordhaw la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay safarka wafdiga madaxweyanaha uu horkacaayo, waxaana uu sheegay in magaaalada Marka ay soo gaareen wafdiga madaxweynaha uu hokacaayo, isagoona sheegay in si aad u heer-sareeyso halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Gudoomiye Siidii ayaa sidoo kale sheegay in wafdiga madaxweynaha ku wehlinaayo safarkiisa ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiirka garsoorka iyo cadaalada arimaha diinta C/laahi Abyan Nuur, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiil.

Waxaa haatan socota soo dhaweynta iyo dabaaldega lagu soo dhaweeynaayo madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in madaxweyanah uu kulamo la qaato mas'uuliyiinta halkaasi iyo maamulka gobalka Sh/hoose.

HALKAAN KA DHAGEEYSO HADALKA GUDOOMIYE SIIDII

Wixii warkaan kusoo kordha kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved