HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wadatashiga barnaamijka higsiga cusub “New Deal” oo ka furmay Muqdisho.
Posted by Caagane on September 03 2013
Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirkii wadatashiga barnaamijka higsiga cusub “New Deal” oo socon doona saddex maalmood.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaano iyo ururada bulshada rayidka ah.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorshaynta qaranka ayaa ka war-bixiyey hawlaha barnaamijka hiigsiga cusub, isagoo sheegay in shirar wadatashi ah horey looga sameeyey magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho,Gaalkacayo, Baydhabo iyo Garoowe.

“Ujeedada barnaamijka hiigsiga cusub waxa weeye in la helo talo midaysan oo lagu dhisaayo dalka. Hiigsiga cusub waxaa horey u adeegsaday dalal badan ,innaguna taasi baan daba taaganahay waxaan rajaynayaa in aan dhibaatadda kaga baxno ” sidaasi ayuu yiri Wasiir Abuukar.

Barnaamijka hiigsiga cusub oo ah aragti qaran oo midaysan, ayaa xoogga saaraya dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda, dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.

Xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah oo ka hadlay furitaanka shirkan wadatashiga ah ayaa soo dhoweeyey barnaamijka hiigsiga cusub, waxaana ay tilmaameen in barnaamijkaan uu wax badan ka tarayo marxaladda uu marayo dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijka hiigsiga cusub diyaarinaysay in mudo ah si qorshe midaysan oo ay bulshadu ku leedahay talooyin loo geeyo shirka 16-ka Sabteembar ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Barnaamijka hiigsiga cusub ayaa ah in dalalka nugul ee dagaalada ka soo baxaya la siiyo dhaqaale toos ah, waxaana dowlada Soomaaliya yeelanaysaa soo jeedinta qorshaha lagu taageerayo iyo fulintiisa. Higsiga cusub ayaa markii ugu horaysay lagu go’aamiyey shir lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya dhamaadkii 2011-kii, waxaana ujeedadu ahayd in kor loo qaado waxtarka kaalmada la siiyo dalalka nugul.

----DHAMAAD----

Ahmed Adan
New Deal Communication Coordinator
Office of the Prime Minister
Mogadishu, Somalia
Phone: +252 (0) 616 44 00 28
Email: ahmed.adan@opm.gov.so

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved