HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO VIDEO:- Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan dab xoogan oo maanta ka kacay agagaarka Seybiyaano ee magaalada Muqdisho.
Posted by Caagane on September 03 2013
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa dab qasaare geeystay oo maanta ka dhacay agagaarka sarta Seybiyaano oo ku taala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan oo aan la ogeyn waxa uu markiisi hore ku bilaawday ayaa geeystay qasaare nafeed iyo mid maalba leh, waxaana uu ka kacay goob shidaalka lagu iibiyo oo ku taalo agagaarka sarta Seybiyaano ee degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dabkaasi ku geeriyootay 4 ruux, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay 5 kale, sida ay inoo xaqjiiyeen goob joogayaal ku sugnaa goobta uu dabkaas ka qarxay.

Qasaaraha kale ee uu dabkaasi geeystay ayaa waxaa ka mid ahaa goobo badan oo ku keeydsanaa islamarkaana lagu iibiyo shidaalka, waxaana uu sidoo kale burbur aad u xoogan soo gaarsiiyay guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo ku yaala agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho.

Dabkaan ayaa inta uu socday waxa uu cabsi ku abuuray dadka ku nool goobta uu dabkaasi ka kacay, iyadoona laga cabsi qabay inuu dabkaasi kusii faafo meelo kale oo horleh, balse lagu guuleeystay in markii dambe la baqtiyo.

Waxaa goobtaasi gaaray ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo dadka ka ilaalinaayay inay halkaasi galaan, waxaana sidoo kale goobtaasi soo gaaray gawaarida dab damiska oo ku dadaalay sidii ay ku damin lahaayeen dabkaas.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee maaleed uu geeystay dabkaas, balse waxaa la sheegayaa in halkaasi ay hanti aad u badan ku bas-beeshay, mana ahan markii ugu horeeysay oo dab ceynkaan oo kale uu ka kaco magaalada Muqdisho.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved