HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, April 29, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal kasoo yeeray afhayeenka ciidanka Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab.
Posted by Caagane on September 03 2013
Iyadoo maanta afhayeenka ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab uu sheegay in ciidamadooda ay weerareen kolonyo gaadiid ah uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana kusii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa waxaa hadalkaas beeniyay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoona hadalkaasi ku tilmaamtay mid aan waxba ka jirin.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaasi ay qasaare xoogan ku gaarsiiyeen kolonyadii uu la socday madaxweynaha, waxaana uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid ay ku guuleeystaan.

"Waxaan weerar xoogan ku qaadnay kolonyo gaadiid ah ee uu la socday madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana weerarkaasi ku dilnay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, waxaana sidoo kale dhaawacyo u geysanay xubnihii la socday, inagoona ka gubnay gaari ay wateeen"Sidaas waxaa yiri afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab.

Dhinaca kale Injineer C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) oo ah afhayeenka madaxtooyada ahna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay warkaasi kasoo yeeray Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidamada Al-shabaab, isagoona hadalkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo aanay waxba ka jirin.

"Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay madaxweynaha iyo wafdiga, waan la soconaa kooxaha nabad diidka wax-yaalaha ay baahiyeen, laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah madaxweynahu uu ku gaaray Marka" Sidaas waxaa yiri Injineer Yariisoow oo ah afhayeenka madaxtooyada ahna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka madaxtooyada ahna la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisoow) ayaa kusoo beegmaya xilli afhayeenka ciidamada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab uu sheegay in ciidamadooda ay weerar ku qaadeen kolonyo uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved