HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Abuu Mansuur Al-amriiki oo si rasmi ah u shaaciyay inuu isaga baxay Al-shabaab.
Posted by Caagane on September 03 2013
Cumar Hammami oo sidoo kale loo yaqaano Abuu Mansuur Al-amriiki islamarkaana ah nin u dhashay dalka Mareykanka kana tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday inuu isaga baxay ka mid ahaashiyaha Al-shabaab iyo Al-qaacidda.

Wareeysi uu siiyay laanta afka soomaaliga ee VOA ayaa wuxuu ku sheegay inuu gebi ahaan isaga baxay ka mid ahaanshiyaha ururadaasi uu hore uga tirsanaa, islamarkaana uu haatan ku dhuumaaleysanaayo keymo ku yaala gobolada Bay iyo Bakool.

Abuu Mansuur Al-amriiki ayaa sidoo kale sheegay inuu gebi ahaan xiriirkii u jaray hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab, Mukhtaar Abu Subeyr oo loo yaqaano Axmed Godane, kaas oo uu sheegay inuu naftiisa kala baqaayo.

Waxaana uu sheegay in ciidanka Axmed Godane ay afduubteen laba xaas oo uu isaga qabay, isagoona hadalkiisa ku daray in sidoo kale la dilay nin guri siiyay xaasaskiisa.

Abuu Mansuur Al-amriiki oo kasoo jeeda gobalka Alabama ee dalka Mareekanka ayaa sanadkii 2006-dii soo galay dalka Soomaaliya, halkaasi oo u ku biiray dagaalyahanadda Xarakada Al-shabaab oo dagaalada aadka u xoogan kula jira dowladda Soomaaliya iyo kuwa garabka siinaya.

Dowladda Mareekanka ayaa hore lacag dhan 5 milyan oo dollar dul dhigtay qofkii soo sheega xog horseedaysa in lagu soo qabto Cumar Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-amriiki.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved