HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Qaramada Midoobay oo ku baaqday in Al-shabaab la dagaalankooda loo adeegsado diyaaradaha dagaalka.
Posted by Caagane on September 04 2013
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa ka digay in dalka Soomaaliya ay ku wajahan tahay dowlad faashil ah, waxaana uu ka dalbaday dhamaan dalalka caalamka inay diyaaradahooda qumaatiga u kaca ee Helkobteriska iyo kuwa ciidamada qaada ay ku biiriyaan dagaalka ka dhan ka ah Xarakada Al-shabaab.

Mr. Ban Ki Moon ayaa hadalkaan kahor sheegay golaha amanka eee Qaramada Midoobay, waxaana uu sheegay in dagaalyahanadda Al-shabaab ee xirirka la leh ururka Al-qaacidda ay wadaan inay wiiqaan dadaalada lagu doonayo in lagu nabadeeyo dalka Soomaaliya, iyagoona uu ku eedeeyay carqaladeeynta amaanka caasimada ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu dhinaca kale baaq u diray xubnaha Qaramada Midoobay, isagoona ugu baaqay inay ciidamada Midowga Afrika kaga sugan Soomaaliya ee magaca AMISOM ku howlgalaya in lagu taagero diyaaradaha dagaalka nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helicopters iyo sidoo kale kuwa ciidamada qaada, si ay u xoojiyaan dagaalka lagu doonayo in dalka Soomaaliya looga sifeeyo Xarakada Al-shabaab.

"Argagaxisada Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaacidda waxay doonayaan inay wiiqaan oo ay carqaladeeyaan hormarka haatan laga gaaray dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimada Muqdisho, hadii ay ahaan lahayd dhinaca siyaasadda iyo amaanka, waxaan ku baaqayaa in la dagaalankooda loo adeegsado diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo sidoo kale kuwa ciidamada qaada" Sidaas waxaa yiri Ban Ki Moon oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xarakada Al-shabaab ayaa haatan ku sugan qeybo ka mid ah gobalada dalka Soomaaliya, waxaana ay inta badan weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal ka geeystaan goobaha ay dowladda Soomaaliya gacanta ku haayaan, iyadoona ilaa iyo haatan carqalada ugu weyn ee dowladda hortaagan ay iyaga yihiin.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved