HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 07, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Malaaq si aad ah loo yaqaano oo la dilay iyo howlgalo lagu dabajoogo kooxdii dilka ka dambeeyay oo weli socda.
Posted by Caagane on September 04 2013
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in habeenkii xalay halkaasi lagu dilay mid ka mid ah malaaqyada halkaasi ku sugan.

Koox aan heybtooda la aqoon islamarkaana ku hubeeysnaa bistoolado ayaa rasaas la dhacay Malaaq Yuusuf Cali Sheekh oo ka mid ah malaaqyada sida aadka looga yaqaano gobalka Bay, kaas oo lagu dilay xilli uu ku sugnaa ilinka hore ee guriga uu deganaa.

Kooxdii dilka Malaaqa ka dambeeysay ayaa waxay isaga baxsadeen goobtaas, waxaana dilkaas ka dib goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano aad u xoogan.

Ilaa iyo haatan lama oga cida sida rasmiga ah uga dambeeysa dilka Malaaqa, waxaana ciidamada ay weli wadaan howlgalo lagu raad joogo kooxihii falkaasi dilka ah ka dambeeysay.

Dadka deegaanka ayaa aad uga naxay dilka loo geeystay Malaaq Yuusuf Cali Sheekh, iyadoona dilalka ceynkaan oo kale ah lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, kuwaas oo dagaal xoogan kula jira dowladda Soomaaliya iyo kuwa garabka siiyaba.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved