HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 13, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dacwad ka dhan ah maamulka gobalka Sh/hoose oo loo gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Posted by Caagane on September 04 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa waxaa loo keenay dacwad ka dhan ah maamulka gobalkaas ee uu gudoomiyaha ka yahay C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii).

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobalka Sh/hoose oo kulamo xiriir ah saacadihii lasoo dhaafay la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay u gudbiyeeen cabasho ka dhan ah maamulka gobalkaas ee uu gudoomiyaha ka yahay C/qaadir Siidii, iyagoona maamulkaas ay ku eedeeyay inuu qeybta aad u weyn ka qaatay dhibaatooyinka ka jira gobalkaas.

Odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda in gabi ahaanba laga bedelo maamulka xiligaan ka jira gobalka Sh/hoose, waxayna ku eedeeyeen masuuliyiinta maamulka inay mas'uul ka ahaayeen dagaal beeleedyada ka dhacay gobalka iyo isbaarooyinka daadsan gobalkaas ee shacabka lagu dhibaateeyo, iyagoona sidoo kale ka codsaday madaxweynaha in dowladdu ay wax ka qabato dad ay sheegeen in guryahooda ay xoog uga heystaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageeystay odayaasha dhaqanka gobalka Sh/hoose cabashadooda, wuxuuna u balan qaaday inuu wax ka qabanaayo tabashadooda, islamarkaana ay dowladda arimahaasi jawaab deg deg ah ka bixin doonto.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay odayaasha inay miiska soo saaraan maamul ay heshiis ku yihiin iyo ciidamo boolis ah oo ay dowladdu tababar siiso, si ay u hantaan sugida nabadgelyada gobalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladdu aysan marnaba raali ka noqon doonin wax aysan dooneeyn shacabka gobalka Sh/hoose, isagoona amar ku bixiyay in dadka ku jira guryaha aysan lahayn inay baneeyaan, isagoona sheegay in hadii ay ka dhega adeegaan dadkaasi ay dowladda talaabo adag ka qaadeeyso.

Xafiiska Warbaahinta Bulshowey.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved