HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, May 01, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Kulan culus oo dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gunilla Carlsson.
Posted by Caagane on September 04 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxa uu kulamo kula qaatay wasiiradda arimaha dibadda ee dalka Sweden Gunilla Carlsson oo maanta Muqdisho soo gaartay.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Gunilla Carlsson ayaa si wadajir ah saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegeen in kulankooda ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo dadaalada ay dowladda Sweden ka wado dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirada uu kala hadlay arimo kale duwan oo ay ka mid tahay xiriirka labada dowlad, isagoona sheegay in Sweden ay deeq ugu tala gashay Soomaaliya ayna u soo marineeyso Bankiga caalamiga ah.

Gunilla Carlsson oo ah wasiirada arimaha dibada ee dalka Sweden ayaa iyana saxaafadda u sheegtay inay ka wada hadleen xiriirka labada dowladood, waxaa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in mar kale ay imaato dalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Sweden ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u taageera dalka Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhawaan kooxo hubeeysan ay haweeney Swedish ah ku dhaawaceen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, xili ay kasoo baxday Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah jaamacadaha ku yaala Muqdisho, ka dib markii ay halkaasi kasoo jeedisay khudbad.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved