HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, April 29, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


C/raxmaan Faroole iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo ku kulmay Addis Ababa.
Posted by Caagane on September 04 2013
Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maalintii shalay oo ay taariikhdu ahayd 3-da September ee 2013 qasriga madaxtooyadda dalkaasi ku qaabilay madaxweynaha maamukla Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole) iyo wafdiga Puntland oo uu ka mid yahay wasiirka caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame.

Kulankaas ayaa waxaa looga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, arrimaha ku saabsan dastuurka federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka u dhaxeeya Itoobiya iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha ku saleeysan.

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladiisa iyo dhamaan dowladaha urur goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo dastuurka federaalka iyo hirgalinta nidaamka federaalka, sida dhisida maamulada federaaliga ah.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku ammaanay dowladda Itoobiya doorkii ay ka ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba Aug. 27, 2013, isagoona sidoo kale ka hadlay xoojinta xiriirka dhanka amniga iyo isku xirka ganacsiga iyo dhaqaalaha, si mandaqaddu u hormarto.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved