HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka oo ka hadlay uljeedka rasmiga ah ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay magaalada Marka.
Posted by Caagane on September 04 2013
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa wafdigii la socday madaxweynaha Soomaaliya ee safarka ku tagay magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay safarkooda ka dib markii ay kusoo laabteen magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uljeedada safarka madaxweynaha uu ahaa mid uu booqasho ku tagaayay gobalka Sh/hoose, si uu usoo ogaado xaaladda gobalkaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xilliga uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugnaa magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose uu halkaasi kula kulmay shacabka iyo odayaasha gobalkaasi, isagoona sheegay in kulankaasi uu ahaa mid uu madaxweynaha uga dhageeysanaayay dadkaasi baahida ay qabaan.

Odayaasha la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inay u gudbiyeen cabasho aad u xoogan oo ku aadan maamulka gobalka Sh/hoose ee uu gudoomiyaha ka yahay C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii), kaas oo ay ku eedeeyeen inuu kaalin xoog leh ku lahaa dagaal beeleedyadii ka dhacay gobalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaashaas u sheegay in dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonto cabashadooda ay usoo gudbiyeen, waxaana uu ugu baaqay inay soo sameeystaan maamul ay iyaga isku raacsan yihiin islamarkaana hoos yimaada dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved