HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Monday, February 08, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo si fiican ugu soo dalxiisay magaalada Marka kuna dabaashay badda magaaladaas.
Posted by Caagane on September 04 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ka dib safar labo cisho qaatay oo uu ku joogey magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh/hoose.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkaan ku wehliyey wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka garsoorka C/laahi Abyan Nuur, wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa maalintii shalay aheyd tagey xeebta magaalada Marka Cadey oo uu halkaas isaga iyo wafdigiisaba ku dalxiiseen, kuna dabaasheen si loo dhiiri geliyo nabadda Marka iyo is dhexgalka bulshada.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay isagoo jooga xeebta ayaa yiri “Xeebtaan quruxda badan iyo kuwa la midka ahba waxey naga rabaan inaan ku dalxiisno, isla markaana aan mustaqbalka dhow uu caalamku u soo dalxiis tago. Gobalkaan Sh/hoose waxuu EEBBE ku maneeystay xeebo, beero, wabi iyo xoolo oo intaba ah kheyraadka dalka. Sidaas daraadeed, waa inaan ka wada shaqeeynaa nabadda iyo horumarka ay dowladdu waddo, maanta waad u jeedaan inaan dabaalaneyno oo nabad iyo nimco EEBBE na siiyey ah noogana baahan inaan ku shukrino oo aan ku raaxeeysanno.”

Madaxweynaha ayaa intii uu joogey magaalada Marka waxa uu kulammo la qaatay maamulka gobalka Sh/hoose iyo degmooyinkiisa, oday dhaqameedka deegaanka, iyo shacabka gobalka oo uu kula dardaarmay inay dadaaladda dowladda wado kala shaqeeyaan si dalka loo gaarsiiyo horumar iyo barwaaqo.

Madaxweynaha oo arrintaaa ka hadlaya ayaa yiri “Booqashadeena Marka waa mid taariikhi ah oo aan dooneyno in shacabka gobalka Sh/hoose aan uga mahadcelino dadaaladii dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta ee muddo ka socotay deegaanka. Dowladdu waxey soo dhoweyneysaa in shacabka soomaaliyeed ay ka wada shaqeeyaan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta, waayo waddankaan waxaa iska leh shacabka, sidaas daraadeed, waxaa shaqsi walba waajib ku ah inuu u istaago sidii xal nabadeed oo waara loo dhexdhigi lahaa bulshada.”

Madaxweynaha ayaa sdoo kale kala hadlay shacabka gobalka Sh/hoose sidii looga wada shaqeyn lahaa inay dalkan doorashooyin ka dhacaan, waxuuna yiri “Qorshaha dowldda ayaa ah inaan 2016 dalka aan gaarsiino doorashooyin xor ah oo shacabku ay soo doortaan dadkii matali lahaa. Sidaas daraadeed, waxaan gobalka Sh/hoose ka rabnaa inay horseed u noqdaan barnaamijkaas oo shacabka deegaanku bilaabo nabadeynta iyo sidii aad u soo dooran laheydeen maamuladda deegaanka iyadoo la waafajinayo dastuurka iyo sharciga maamul u sameynta gobalada dalka.”

---DHAMAAD---

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),

Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854
Twitter - @thevillasomalia - Facebook - The Villa Somalia (State House of Somalia



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved