HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 13, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Muqdisho oo caawa laga seexan la'yahay iyo xaaladda oo aad u qasan.
Posted by Caagane on September 04 2013
Qaraxyo kala duwan iyo madaafiic ayaa caawa waxay ruxeen degmooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyadoona qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwa lagu weeraray xarumo ay degan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Degmooyinka Hodan, H/wadaag, Wadajir, Yaaqshiid, Kaaraan iyo X/weyne ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa ka wada dhacay qaraxyo iyo weeraro madaafiic, iyadoona qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwa loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

Sidoo kale waxaa weerar madaafiic ah lagu qaaday xarunta Xalane oo ah fariisinka ugu weyn oo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay ciidankaasi jawaab ka bixinayeen weerarkaasi madaafiic ee lagu soo qaaday.

Gebi ahaan magaalada Muqdisho ayaa caawa waxaa ruxay qaraxyo iyo madaafiic, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn qasaaraha rasmiga oo ay geeysteen qaraxyadaasi iyo madaafiicdaba.

Waxaynu isku daynay inaynu xiriir la sameeyno saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya balse waa inoo suurto gali weeysay, balse waxaan la xiriirnay wariyaal madax banaan ee ku sugan qaar ka mid ah degmooyinka ay qaraxyada ka dhaceen.

Waxay inoo sheegeen in caawa xaaladda ay tahay mid aad u qasan islamarkaana aanay suurto gal ahayn in la ogaado qasaaraha rasmiga ee ka dhashay qaraxyadaasi, waxaana magaalada Muqdisho ay wehel u noqotay qaraxyo iyo dilal, iyadoona hay'adda amaanka ee dowladda Soomaaliya aanay arinkaasi weli waxba ka qaban.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved