HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 13, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Qofkii xalay isqarxiyay oo la shaaciyay magaciis iyo halka uu kasoo jeedo.
Posted by Caagane on September 05 2013
Waxaa habeenkii xalay magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo kala duwan iyo ismiidaamin, kuwaas oo intooda badan lagu weeraray xarumo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoona warbaahinta dowladda ay saakay baahisay magaca qof la sheegay inuu isqarxiyay.

Qofkaan isqarxiyay ayaa xalay fiidkii ku qarxay isgoyska K.P.P ee degmada Hodan gaar ahaan nawaaxiga masjidka Sheekh Cali Suufi ee magaalada Muqdisho, kaas oo sida la sheegay damacsanaa inuu isku dhex qarxiyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo fariisin ku lahaa agagaarka masjidkaas.

Qofkaasi isqarxiyay oo magaciisa lagu sheegay C/raxmaan Cali Diiriye islamarkaana 20-sano jir ah ayaa waxa uu ku dhashay degmada Qoryooleey ee gobalka Sh/hoose, isagoona sidoo kale waxbarashadiisa hoose iyo dhexe uu halkaasi kusoo qaatay.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ruuxaasi uu kamid ahaa ardaydii dhawaan imtixaanka qabuulka ah ka gashay Jaamacada Muqdisho, wuxuuna kaalinta koowaad ka galay imtixaanka ardayda Jaamacada u qaadaneeysay sanadka 2013-2014, taas oo sida la sheegay farxad gelisay waalidiintii dhashay wiilkaas, balse nasiib daro uu habeenkii xalay ku geeriyooday ka dib markii uu isqarxiyay.

DHAGEEYSO MEESHA UU KASOO JEEDO QOF XALAY ISQARXIYAY

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved