HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dowladda oo maanta ansixisay qodob muhiim ah kana hadashay arimo badan.
Posted by Caagane on September 05 2013
Shirkii joogtada ahaa ee golaha wasiirada oo maanta uu shir gudoominayay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ee dowladda Soomaaliya Marwo Fawziya Yusuf Xaaji Aadan ayaa maanta asnixiyay xeerka isgaarsiinta qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale, golaha ayaa kal fadhigaan kaga hadlay arimaha xawaaladaha, amniga, burcad badeeda iyo xaalada hantida qaranka sida guryaha dowladda oo ay isku raaceen inay loo baahan tahay siyaasad cad oo dowladdu ka yeelato arinkaas.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo saxaafadsa la hadlay kadib shirkii golaha ayaa soo dhaweeyay ansixinta xeerka isgaarsiinta qaranka, waxaa kaloo uu wasiirku sheegay goluhu aad uga xunyahay go’aanka uu Barclays Bank ku joojinayo adeegii uu u samayn jiray xawaaldaha Soomaaliyeed.

Golaha ayaa go’aanka Baanka ku tilmaamay mid abuuraya xaalad bani’aadannimo oo aad u adag, waxaana goluhu isku raacay in dowladda dadaal xoogan u gasho bad-baadinta nidaamka xawaaladdaha dalka.

“Waxaan aad uga xunahay go’aanka Barclays Bank uu ku joojinayo macaamilka ama shaqadii uu u hayay xawaaladaha Soomaaliyeed, waa arin saamaynaysa ummada Soomaaliyeed iyo gobalka oo dhan, dadaal siyaasadeed ayaan ugu jirnaa sidaan ku bad-baadin lahayn nidaamka xawaalada dalka,” ayay tiri Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan.

Wasaarada maaliyada ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dib-u-kabashada dhaqaalaha dalka 2014-2015. Qorshahaan ayaa wasiirka maaliyada Maxamuud Xasan Suleemaan ku tilmaamay in qorshuhu ku wajahan yahay abuurida jawi hagaagsan oo dhinaca wax-soo saarka ah, uuna soo noolaynayo dhaqaalaha asagoo dajinaya qaab hogaamineed la xiriira horumarinta dalka.

Dhanka kale, wasiirka arimaha guddaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa golaha siiyay warbixin dhanka amniga ah. Wasiirka ayaa xaalada amniga dalka ku tilmaamay mid ka soo raynaysa, waxaana uu ka warbixiyay booqashadii todobaadkaan uu madaxweynuhu ku tagay magaalada Marka oo uu ku tilmaamay mid miro natiijo aad u wanaagsan u soo hoysay dowladda iyo shacbiga deegaankaas labadaba.

Ugu dambeyntii, goluhu waxay ay warbixin ka dhagaysteen gudoomiyaha hay'ada la dagaalanka burcad badeeda mudane Muxiyadiin Cali Yusuf oo golaha u sheegay in gabi ahaanba falalkii burcad badeedu aad hoos ugu dheceen, waxaana uu hoos u dhacaas u tiiriyay dadaalka ay dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed u galeen ka hortaga burcad badeeda.

"Muddo sanad iyo dhowr bilood ah ma jiraan maraakiib lagu afduubtay xeebta Soomaaliya, waa horumar weyn, waxaadse moodaa in mashruucii burcad badeedu noqday barnaamij shirkado iyo dalal badani aad uga faa'iideen, laakiin Soomaaliya ku dulman tahay," ayuu yiri Muxiyadiin oo intaas ku daray inay ay laga maar maan tahay in wax laga qabto kaluumaysiga sharcidarada ah ee saldhiga u ah mushkilada burcad badeeda.

---DHAMAAD---

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Phone: +252 (0) 616 44 00 28
Email: media@opm.gov.so

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved