HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, February 07, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO VIDEO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ajanabi ah.
Posted by Caagane on September 05 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay gudoomiyaha machadka nabadda ee Mareykanka (US Institute for Peace), Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka Norway iyo Safiirka UK.

Madaxweynaha ayaa kulankii uu la qaatay gudoomiyaha machadka nabadda ee Mareykanka Jim Marshall ayaa waxey ka wada hadleen sida Machadka Nabadda ee Mareykanka uu Soomaaliya ugala shaqeyn karo arimaha amniga iyo nabadeynta.

Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyey booqashadiisa dalka Soomaaliya iyo sida ay Soomaaliya ugu baahantahay amni iyo nabad.

Madaxweynaha kulankii uu la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Africa ee dalka Norway Jens Mjuagedal ayaa waxey ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin horumarka dalka Soomaaliya, xiriirka Norway iyo Somalia, shirka Brussels iyo kaalmada ay dalka Norway u fidiso Soomaaliya.

Madaxweynahu waxuu sidoo kale maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Ingiriiska Neil Wiggan oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, dabagalka howlaha muhiimka ah ee UK ay ka wado Soomaaliya oo ay ku saacideyso shacabka Soomaaliyeed, Shirka Brussels iyo arrimo kale.

Kullamadan ay Diplomaasiyiinta caalamku ku imanayaan Muqdisho ayaa waxey tusaale ka tahay horumarka uu dalku ku tallaabsaday iyo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u adkeysay isla markaana u horumarisay xiriirka caalamka.

---DHAMAAD---

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),

Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com +252 615 479911 or +252 699 998854
Twitter - @thevillasomalia - Facebook - The Villa Somalia (State House of Somalia



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved