HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, February 05, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Eedeyn kulul oo loo jeediyay dowladda Soomaaliya iyo xafiiska madaxweynaha.
Posted by Caagane on September 06 2013
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyay in dad gaar ah ay u xuleeyso ka qeyb galka shir looga hadli doono arimaha Soomaaliya oo 16-ka bishaan September ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka Biljimka.

Wuxuu xildhibaanka si gaar ah u eedeeyay dowladda iyo xafiiska madaxweynaha inay faragelin ku hayaan baarlamaanka howlihiisa ka dib markii buu yiri, ay gacantooda ku xuleen qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee ka qeyb galaaya shirka Brussels.

“Maadaama shirka Brussels uu yahay shir arrimaha Soomaaliya dhaqaale loogu ururinaayo, waxay ahayd in guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka lagu daro wafdiga dowladda u meteli doona shirka Brussels, laakiin nasiib daro hadda waxaa muuqata in dad gaar ah loo yeeray oo magacyadooda lasoo doortay.” Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xubnaha baarlamaanka u matali doona shirka ay mas'uuliyadeeda leeyihiin gudoonka baarlamaanka oo laga rabo inay iyagu soo xulaan xildhibaanada xukuumadda ku wehlinaya shirarka caalamiga ah, si loo ilaaliyo hab maamuuska nidaamka baarlamaanka iyo wadashaqeynta baarlamaanka iyo dowladda.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in shaqaalaha madaxtooyada ay ku jahwareereen shaqadooda, ayna madaxweynaha u horseedaan go’aamo khaldan, isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday khudbad uu dhawaan madaxweynuhu ka jeediyey furitaankii shirweynaha qaran ee siyaasadda dalka ee ka socda magaalada Muqdisho.

“Waxaa yaab lahayd in madaxweynuhu uu ka jeediyey shirka inuu yiri dowladeyda waxba ma qaban karto beesha caalamka la’aanteed, dad badan oo i soo wacay ayaa arrinkaasi i weydiinaya, waxay ahayd in madaxweynaha laga hubiyo waxyaabaha uu khudbadihiisa ku sheegayo.” ayuu sii raaciyey Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Si kastaba ha ahaatee, eedeynta kasoo baxday xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli mas'uuliyiinta dowlada federaalka Soomaaliya ay isu diyaarinayaan ka qeybgalka shirka Brussels ee dhici doona bishan 16-keeda, kaasoo ka qeyb gali doona wafdi balaaran uu madaxweynaha Soomaaliya hogaaminaayo.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved