HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, May 01, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Dowladdo caalami ah oo ka qeyb qaadanaya mashruuc lagu hormarinaayo tayada socdaalka Soomaaliya.
Posted by Caagane on September 06 2013
Dowladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan mashruuc lagu horumarinayo tayada iyo sare u qaadidda hanaanka socdaalka ee Soomaaliya.

Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan ayaa sheegay in mashruuca lagu tayeynayo socdaalka Soomaaliya ay ku baxeeyso lacag gaaraysa 2.5 milyan oo doollar, oo la sii marsiinayo hay’adda socdaalka adduunka (IOM).

Neil Wigan ayaa tilmaamay in mashruuca uu qeyb ka yahay qalab lagu horumarinayo socdaalka oo lagu ogaanayo xogta dadka socdaalaya, si loo helo kuwa sida sharcidarrada ah ku safraya iyo argagixada.

Wuxuu carrabaabay in mashruucan uu muhiim u noqon doono socdaalka Soomaaliya, isla markaana uu u oggolaanayo dowladda inay hesho nabad iyo dhaqaale.

Taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya jeneral Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in tayeynta socdaalka ay ka caawin doonto isku xirnaasho dhinana safarka ah iyo in Soomaaliya ay wax la qeybsato caalamka intiisa kale.

Hadalkan ayaa laga jeediyay kulan shalay Muqdisho ay ku yeesheen madaxda laanta socdaalka, xubno ka socday hay’addda socdaalka adduunka iyo danjireyaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka Inigiriiska iyo Holland.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved