HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Prof. Cali Khaliif Galeyr oo hadalo hanjabaad ah u jeediyay maamulka Somaliland.
Posted by Caagane on September 06 2013
Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa hanjabaad tii ugu cusleyd u jeediyay maamulka Somaliland, isagoona ugu hanjabay inay caqabad xumo kala kulmi doonaan dhibaatooyinka ay ku haayaan shacabka kasoo jeeda maamulka Khaatumo State.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in shacab badan oo kasoo jeeda gobalada Khaatumo State ay ku xir-xiran yihiin xabsiyada ay maamulaan Somaliland, isagoona tilmaamay in dadkaasi loola dhaqmo si bin'aadanimada ka baxsan.

"Laasacaanood kaliya ma ahanee, xabsiyada Burco, Mandheera iyo Hargeysa ayaa waxaa lagu dhibaateeyaa caruurtayada iyo haweenka jilicsan oo uur leh, war waxaas ma ahan wax nasoo maray oo ay umad Soomaaliyeed ama Islaam ah ay ku dhaqanto" Sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

DHAGEEYSO HADALKA XILDHIBAAN CALI KHALIIF GALEYR

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa ku daray in Somaliland ay shideeyso dab iyo dhibaatooyin ay ka dhex wado gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn, isagoona taasi ku tilmaamay inay horseedi doonto in deegaanada ay Somaliland maamusho inay ka dhacaan dhibaatooyin horleh oo ay iyaga mas'uuliyadeedu qaadi doonto.

"Dhibaatada aad wadaan iyo dabka aad ka hurineeysaan gobalada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxa uu ku dambeeyn doonaa Hargeysa, Burco, Barbera iyo Gabiileey, marka ma ahan mid aynu anagu wadno ee idinka baa dhibaatadaasi abuuraya" Ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr.

Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu dambeeyn baaq u diray dhamaan shacabka kasoo jeeda deegaanada maamulka Khaatumo State, inay ka qeyb qaataan sidii ay u difaaci lahaayeen dadkooda ay dhibaateeynayaan maamulka Somaliland, iyadoona dhinaca kale maamulida gobaladaas ay isku haystaan Somaliland iyo Puntland.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved