HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, February 14, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Ra’iisul wasaare Saacid oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay dalalka Sucuudiga iyo Jabuuti.
Posted by Caagane on September 06 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaaladda Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti isagoo kasoo duulay magaaladda Jeddah ee boqortooyadda dalka Sucuudiga.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa garoonka dayuuradaha ee Djibouti kusoo dhoweeyay Wasiirka Cadaaladda isla markaasna ah kusimaha Ra’isul Wasaaraha Djibouti Mudane Cali Faarax Casoowe “Cali Cadnaan”, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Djibouti Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen “Guulwade” iyo Mas’uuliyiin kale oo dawladda Djibouti ka tirsan.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ku sugan Djibouti oo ay ka mid yihiin wasiirka gaashaandhiga, wasiiru dawlaha arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, wasiir ku-xigeenka ganacsiga iyo wasiir ku-xigeenka khayraadka waxaa dalka Djibouti ay maanta galinka danbe kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Djibouti qaar ka mid ah, waxaana laga wada hadli doonaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada dib-u-dhiska, amaanka, siyaasadda iyo ganacsiga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale booqasho rasmi ah kusoo gaarno dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti oo arimo badan aan iska kaashan doonno sida dib-u-dhiska, amaanka, siyaasadda iyo ganacsiga” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Saacid iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa ayaa booqashadan rasmiga ah ee dalka Djabouti kadib waxaa sidoo kale ay booqasho rasmi ah ku tagi doonaan dalka Yemen.

Ra’isul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo sagootiyay garoonka caalamiga ah ee magaaladda Jeddah ee Boqortooyadda Sucuudiga wasiirka xajka iyo awqaafta ee Sucuudiga Bandar Xijar iyadoo Ra’iiusul wasaaruhuna uga mahadnaqay Boqortooyadda Sucuudiga kulamadii uu la yeeshay madaxda dalkaasi iyo sida ay diyaarka ugu yihiin in ay gacan ka gaystaan dib u dhiska dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaruhu uu uga mahadceliyay hanaankii qiimaha badnaa ee Boqorooyaddu ay ugu soo dhoweysay magaaladda barakaysan ee Maka oo isaga iyo wafdigiisu ay ku guteen Cumrada.

Intii uu ra’iisul wasaarahu ku sugnaa dalka Sucuudiga waxaa xukuumaddu ay heshiisyo la saxiixatay Bankiga Islaamka, waxaana heshiisyadani ay isugu jiraan mashaariic dag dag ah iyo qorshayaal socon doonaa 7-da sano ee soo socota , kuwaasi oo lagu hormarinayo adeegyadda bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta hay’adaha dawladda iyo soo noolaynta mashaariicdii Bankigu ka fulin jiray Somaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya
Djibouti
Email: Ridwaanhaji@gmail.com



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved