HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, February 07, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Itoobiya oo shaaca ka qaaday inay dhex dhexaadinayso dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Posted by Caagane on September 07 2013
Dowladda dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in heshiis dhex dhexaadin ah ay dhex dhigeeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo mudooyinkii dambe ahaa mid xiriirkooda aanay wanaagsanayn.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegne ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhexdhexaadin ay ka dhex sameeyaan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Mr Hailemariam ayaa sheegay in wadankiisa uu isku dayayo dib usoo celinta xiriirka ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay sameeynayaan qorshahaasi.

Hadalka ra’iisul waasaraha dalka Itoobiya Haile Mariam Desalegne ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii dalkaasi uu kasoo laabtay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole).

Maamulka Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ka waayeen dano badan oo ay ka lahaayeen.

Sidoo kale maamulka Puntland waxa uu qaadacay ka qeybgalka shir looga hadlayay mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo maalintii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, waxaana ay Puntland shirkaasi ku tilmaameen mid quseeya dowladda Soomaaliya kaliya.

Madaxweynaha Puntland C/raxamaan Faroole oo goor sii horeeysay la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya wadahadal hadii ay la galayaan ay ku xiran tahay shuruud, taasi oo uu ku tilmaamay inay tahay in qodobada laga bedelay dastuurka Soomaaliya sidoodii lagu soo celiyaa.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved