HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, February 13, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DEG DEG:- Qaraxyo qasaare geeystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho.
Posted by Caagane on September 07 2013
Warar goordhaw nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in laba qarax oo aad u xoogan ay goordhaw ka dhaceen agagaarka guriga hooyooyinka oo ku yaala degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaan oo sida la sheegay ahaa kuwa loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxay ku qarxeen barxad oo weyn oo gawaarida la dhigto oo ku taala dhabarka dambe ee maqaayadda The Villa islamarkaana kasoo horjeeda Ex Fiyoore, iyadoona ay qaraxyadaasi ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar madax banaan oo aynu ka helnay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegayaan in dad badan oo gaaraya ku dhawaad 10 ruux ay qaraxyadaasi ku dhinteen iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa islamarkiiba gaaray ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo booliiska, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgalo culus.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi ayaa goobta laga qaaday, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkii dhaawacmay uu ku jiray wariye lagu magacaabo Maxamed Cismaan oo ka mid ah wariyaaha ku sugan magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo haatan ma jiraan faah faahin intaasi dheer oo laga helaayo qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi, iyadoona laga yaabo in qasaaraha uu intaasi kasii bato, waxaana sidoo kale burbur aad u xoogan uu soo gaaray gawaari taalay goobta ay qaraxyada ka dhaceen.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved