HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 07, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Sheekh Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray kana hadlay uljeedka safarkiisa.
Posted by Caagane on September 07 2013
Wafdi uu horkacaayo gudoomiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wafdiga Sheekh Axmed Madoobe oo kasoo dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdihso, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadweyna badan.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta si aad ah loo adkeeyay, waxaana mas'uuliyiinta soo dhaweeysay wafdiga Sheekh Axmed Madoobe ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka warfaafinta C/laahi Ciilmooge Xirsi, Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Madoobe iyo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si wadajir ah waxay ula hadleen saxaafadda, waxaana uu Sheekh Axmed Madoobe sheegay in safarkiisa uu yahay mid lagu sii dhameeystiri doono heshiiskii ay dowladda ku wada galeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Wuxuu sheegay inuu dhowr maalmood kusii sugnaan doono magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, isagoona si aad ugu mahad celiyay sida diiran ee maanta loo soo dhaweeyay.

Dhinaca kale waxaa halkaasi sidoo kale ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana uu sheegay in imaanshiyaha Sheekh Axmed Madoobe ee magaalada Muqdisho ay calaamad u tahay in xal wanaagsan laga gaaray khilaafkii baahsanaa ee ka jiray arimaha Jubooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa inay ka hadlaan arimaha ku saabsan sidii loo dhameeystiri lahaa heshiiskii ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved