HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Friday, April 29, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


SAWIRO NAXDIN LEH:- Wararkii ugu dambeeyay qaraxyadii maanta gilgilay magaalada Muqdisho.
Posted by Caagane on September 07 2013
Waxaa faah faahin dheeraad laga helaayaa qaraxyo aad u culus oo maanta gilgilay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya gaar ahaan agagaarka guriga hooyooyinka ee degmada X/weyne, waxaana ay qaraxyadaas geeysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxyadaan oo ahaa laba qarax ayaa sida la sheegay mid ka mid ah waxaa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay halka midka kalene uu ahaa nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo halkaasi isku qarxiyay.

Waxaa inta la xaqiijiyay geeriyootay ku dhawaad 15 ruux, iyadoona sidoo kale ay dhaawacantay tiro intaasi ka badan, waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen soo buux dhaafiyay ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida iyo booliiska, iyagoona ka dib halkaasi howlgalo ka bilaabay.

Dadkii dhaawacmay ayaa waxaa loola cararay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay qaarkood in dhaawacooda ay yihiin kuwa halis ah, iyadoona haatan xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Qaraxyadaan ayaa waxay ahaayeen kuwa aad u culus islamarkaana laga wada maqlay inta badan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, iyadoona xaaladda goobtii uu qaraxa ka dhacay ay weli yaalaan hilbo go'goay.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved