HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Xarakada Al-shabaab oo faah faahin ka bixisay uljeedka rasmiga ay ka lahaayeen qaraxyadii shalay Muqdisho ka dhacay.
Posted by Caagane on September 08 2013
Xarakada Al-shabaab ayaa faah faahin ka bixisay sababta ay maalintii shalay weerarka qaraxyada ahaa uga geysteen agagaarka guryaha hooyooyinka ee degmada X/weyne gaar ahaan dhabarka dambe ee maqaayadda The Village, kaas oo ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayey warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay iyaga ka dambeeyeen islamarkaana ay ahaayeen kuwa sidii loogu tala galay u dhacay.

Wuxuu sheegay in uljeedka qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwa lala eeganaayay dad uu sheegay inay Jawaasiis u yihiin hay'adaha sirdoonka dalalka UK iyo USA MI5 iyo MI6 oo ku sugnaa goobtaas.

Qaraxyadii shalay ka dhacay agagaarka guryaha hooyooyinka gaar ahaan dhabarka dambe ee maqaayada The Village ee degmada X/weyne ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 15 ruux halka dad ka badan 30 ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badnaa dad shacab ah, waxaana qaraxyadaasi sheegtay Xarakada Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa markii ay qaraxyo ka geeystaan magaalada Muqdisho waxay warbaahintooda ka sheegaan inay iyaga ka dambeeyeen, waxaana qaraxyadaas inta badan ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah oo aan waxba galabsan.

Xafiiska Warbaahinta Bulshowyen.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved