HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Monday, May 02, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Prof. Cali Maxamed Geedi oo si kulul uga hadlay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho.
Posted by Caagane on September 08 2013
Prof. Cali Maxamed Geedi oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG ahayd ayaa si kulul uga hadley qaraxyadii shalay ka dhacay agagaarka guryaha hooyooyinka ee degmada X/weyne iyo sidoo kale xaaladda amaan ee ka jirta magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegey in marka hore ay tahay wax laga xumaado in la daadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed aan waxba galabsan, isagoona baaq culus u diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in hay’adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ay ka gaabiyeen wax ka qabashada amaanka ee magaalada Muqdisho, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu badel ku sameeyo hay’adaasi, si buu yiri loo badbaadiyo dhiiga shacabka ee sida micna darada ah u daadanaaya.

“Waxyaabaha ka dhacaaya magaalada Muqdisho waxay muujineeysaa tabar daridda iyo aragti la’aanta haysata hay’adaha amniga ee dowladda, waan arkeeynaa waxa dhacaaya marka shacabka waxaan ugu baaqayaa inay isku tashtaan oo ay iyaga amaankooda sugtaan islamarkaana aanay isku haleeyn dowladda Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ugu baaqi lahaa inuu dhamaan bedal ku sameeyo hay’adaha amniga dalka oo dhan, si loo badbaadiyo dhiiga shacabka ah oo maalin walba qubanaaya” Sidaas waxaa yiri Prof. Cali Maxamed Geedi.

DHAGEEYSO HADALKA PROF. CALI MAXAMED GEEDI

Ugu dambeeyn Prof. Cali Geedi ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore uu arinkaan ku saabsan sugidda amaanka magaalada Muqdisho uu ka hadlay islamarkaana uu baaqyo kala duwan u diray mas’uuliyiinta dowladda, balse ku tilmaamay inay ka dhega fureeysteen in taladda amniga ay la wadaagaan.

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa u muuqanaaya mid mudooyinkaan dambe dhaliilo iyo baaqyo culus u diraaya mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya, iyadoona hadaladiisa qaar ay u muuqdaan mid uu ku mucaaradaayo nidaamka ay wax ku wado dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved