HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Monday, February 08, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Ra’isul wasaare Saacid oo ka qayb galay furitaanka laba dakadood oo cusub oo maanta laga dhagax dhigay Djibouti.
Posted by Caagane on September 08 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo marti-sharafta koowaad ka ahaa munaasabad balaaran oo lagu furayay dekaddii 6-aad iyo 7-aad ee dalka Djibouti oo uu weheliyo madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele waxaa ay dhagax dhigeen dakadaha cusub ee Djibouti oo qaban doonta adeegyo kala duwan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dalka Djibouti munaasabadihii lagu dhagax dhigayay labada dakadood ee Dameer-joog iyo Dorale oo fulin doona adeegyo badan oo dalka iyo gobolka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aaminsan yahay, kuna shaqayn doono fikirka ah in dakadaha gobalka iyo Soomaaliya la balaariyo isla markaana la casriyeeyo dhamaan dakadaha ku yaala xeebaha Soomaaliya si ay ugu adeegaan Soomaaliya iyo Geeeska Afrika.

“Hammigu waa in ka sokoow khayraadka Soomaaliya la abuuro dhaqaale kasoo xarooda Dakado casri ah, Soomaaliya waxaa ay leedahay Xeebta ugu dheer Afrika iyo Bad khayraad badan.” Ayuu yiri Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Shirdoon Saacid.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jooga dalka Djibouti booqasho rasmi ah oo qayb ka ah xiriirka iskaashi ee dhinacyadda Amaanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka Djibouti ee aan walaalaha nahay iyo Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved