HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- C/raxmaan Faroole iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo wada casheeyay.
Posted by Caagane on September 08 2013
Iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyay ay jireen hoos u dhac ku yimid xiriirka u dhaxeeya dawladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa xalay ra’isul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” waxaa uu casho ugu sameeyay hotelka Kempinski ee magaaladda Djibouti madaxweynaha Puntland Mudane C/raxmaan Maxamuud Faroole.

Kulankan cashadda ah oo ay goobjoog ka ahaayeen labada Wafdi ee ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku dhacay jawi aad u wanaagsan iyadoo la isla soo qaaday xiriirka ay Puntland sheegtay inay hakad galisay.

Kulankan waxaa dhanka wafdiga ra’iisul wasaaraha kamid ahaa wasiirka gaashaandhiga, wasiiru dawlaha arimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah, wasiir ku-xigeenadda ganacsiga iyo khayraad, halka dhinaca wafdiga madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole ay ka mid ahaayeen wasiirrada arimaha gudaha iyo caafimaadka ee Puntland.

Markii ay cashadu soo dhamaatay waxaa Ra’iusl Wasaaraha Soomaaliya uu kulan gaar ah oo saacado qaatay uu la yeeshay Madaxweynaha Puntland C/raxman Maxamuud Faroole.

Kulankan waxaa la qiyaasayaa inuu u xuubsiiban doono wada hadalo kale oo rasmi ah oo dib loogu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqaynta Maamulka Puntland iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Federalka Somalia
Djibouti, Mob: +25377093297
Email:ridwaanhaji@gmail.com



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved