HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Saturday, April 30, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacaayo oo daqiiqado kahor ka dhoofay magaalada Muqdisho.
Posted by Caagane on September 08 2013
Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona u kicitimay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wafdiga uu madaxweyne Xasan Sheekh horkacaayo ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ciidan, waxaana ay haatan ku wajahan yihiin magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu maanta madaxweynaha ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa uu salka ku haayo safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu ambabaxay magaalada B/weyne, iyadoona warar qaar ay sheegayaan in madaxweynaha uu halkaasi u aadayo arimo quseeya maamulka gobalka Hiiraan.

Waxaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada B/weyne ku sugan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Hiiraan, iyagoona isku diyaarinaaya soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga uu horkacaayo.

Waqtiyada soo socdo ayaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh gaaro magaalada B/weyne, isagoona ka dib halkaasi kula kulmi doono Odayaasha, waxgaradka iyo mas'uuliyiinta maamulka Hiiraan.

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved