HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, May 01, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusoo laabtay Muqdisho lana filaayo saacadaha soo aadan inuu safar ku tago magaalada Jowhar.
Posted by Caagane on September 09 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacaayo oo saacadihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu horkacaayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxay kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu u safro magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe, iyadoona qaban qaabada soo dhaweeyntiisa ay halkaasi ka socoto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaro magaalada Jowhar waxaa la filayaa inuu halkaasi kulamo kula qaato mas'uuliyiinta maamulka gobalka Sh/dhexe iyo sidoo kale odayaasha, waxgaradka halkaasi ku sugan.

Warar hoose aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta magaalada Jowhar ku tagi doono safar dhulka ah, iyadoona arinkaasi la ogaan doono saacadaha fooda inagu soo haaya.

Wixii kusoo kordha warkaan kala soco wararkeena dambe Insha Allaah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved