HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO VIDEO:- Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo heshiis rasmi ah kala saxiixday
Posted by Caagane on September 09 2013
Kusimaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirada, gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Shiinaha oo uu horkacayo danjiraha u fadhiya Kenya Liu Guangyoun.

Wafdigaan ayaa ahaa khubaro indha indhayn ku samaynaya goobo ay dowlada Shiinuhu horay uga dhistay dalka Soomaaliya, kuwaas bur-bur xoogaan ay kasoo gaareen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana ka mid ah goobahaas, Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Kubada Cagta (Stadium Muqdisho), Isbitaal Banaadir, wadada isku xirta Galkacyo ilaa Burco iyo Dhul ay dowladda Soomaaliya siisay dalka Shiinaha si ay uga dhistaan safaaradooda.

Safiirka shiinaha oo waftiga hogaaminaya ayaa uga horayntii ka hadlay ujeedka booqashadooda muqdisho, iyo waxyalaaha ay damacsanyhiin inay Soomaaliya ka fuliyaan mustaqbalka dhow.

“Soomaaliya iyo Shiinaha waxaa ka dhaxeeya xariir qota dheer oo soo bilowday 50 sano ka hor, waana wadankii ugu horeeyey oo Shiinuhu la yeesho xariir siyaasadeed wadadmada Bariga Africa, waxaan rabnaa inaan bog cusub u furno xariirka u dhaxeeya labada dal, waxaan halkaan u nimid inaan fiirino baahiyaha ka jira dalka, anagoo aad ugu rajo weyn inaan Soomaaliya dib uga bilowno dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku bur-buray dagaalada sokeeye” ayuu yiri safiika Shiinaha isgoo dhanka kalana xusay inay ku dhiiri galinayaan shirkadaha Shiinaha inay maalgashtaan Soomaaliya oo ay had ka jirto fursado badan oo ganacsi

Dhanka kale ku simaha ra’iisul wasaaraha ayaa dhenkeeda uga mahadcelisay dowladda Shiinaha sida hagar la’aanta ah oo ay uga jawaabeen baahiyaha dowladu qabto una balan qadeen inay si dhakhso ah u bilaabi doonaan dhaqan galintooda

“Waxaan halkaan ku saxiixnay labadii heshiis ee ugu horeeyey oo daba socda wadahadalkii iyo heshiisyadii aan soo galnay dalkooda bishii la soo dhaafay, waxayna sidoo kale u yimaadeen inay arkaan dhulkii la siiyey si ay uga dhistaan safaaradooda, waxaa kale oo intaan daba socda mashaariic waaweyn oo ay dowlada Shiinuhu ka fulin doonto dhamaan gobolada Soomaaliya” ayeey tiri marwo Foziyo

Ugu danbayntii gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdihso Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa gudoonsiiyey dhul ku yaala xeebta Liido halkaas oo ay dhawaan ka bilaabi doonaan dhismaha safaaradooda, si xiriirka labada wadan uu u noqodo mid joogta ah.

-----DHAMAAD----

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the PM
Mogdisho-Somalia
Media@opm.gov.so



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved