HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, May 06, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Ra’iisul wasaare Saacid oo kulamo gaar-gaar ah la qaatay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka Yemen.
Posted by Caagane on September 09 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” ayaa magaaladda Sanca ee dalka Yemen kula kulmay madaxweynaha dalkaas Mudane Cabdu Rabbuh Mansur iyo ra’isul wasaaraha Yemen Mudane Maxamed Saalim Bassanduwa, iyagoo ka wada hadlay iskaashi cusub oo dhexmari doona dalalka Soomaaliya iyo Yemen oo ay ka dhaxayso taariikh iskaashi, ganacsi iyo mid dhaqan.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ka warbixiyay siyaasadda dowladda ee soo celinta amniga, shirka Brussels ee 16-ka September ka furmaya dalka Belgium oo horseedi doona dib-u-dhiska dalka, heshiiskii Addis Ababa ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Juba iyo wada-hadaladda ay kula jiraan Somaliland.

“Waxaan ku soconaa dariiqii aan ku gaarsiin lahayn Soomaaliya inay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadweynuhu ay ku xushaan cidda ay u arkaan inay u hogaamiso dowladnimadda iyo hirgalinta dastuur rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato, waxaa sidoo kale aan ku guda jirnaa shirar dib-u-heshiisiineed oo aan isugu furayno quluubta shacabka soomaaliyeed, Yemen waxaa ay ka mid tahay dowladaha aan jecelnahay inay gacan ka gaystaan sidii loo xaqiijin lahaa dhamaan isbadaladaasi aan rabno in dalka ay ka dhacdo” Ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Yemen kaalinta ay ka qaateen soo dhoweynta qaxootiga Soomaaliyeed, iyo la dagaalanka Burcad badeedka, waxuuna codsaday inay taakulayn u fidiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa, loogana hortagi lahaa Tahriibka

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Yemen ayaa sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan waxyaabo faro badan, muhiimna ay tahay in la adkeeyo xariirka ka dhaxeeya labada wadan.

“Waxaan diyaar u nahay in aan idinka caawino sidii ay Soomaaliya kusoo kaban lahayd maadaama aan wadaagno waxyaabo aad u fara badan isla markaana xiriir dheer uu ka dhaxeeyo Yemen iyo Soomaaliya” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Yemen Maxamed Saalim Bassanduwa oo ka hadlayay shirka golaha wasiiradda ee Yemen.

Waxaa sidoo kale maanta ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisu ay kulan gaar ah la qaateen madaxweynaha dalka Yemen Mudane Cabdu Rabbuh Mansur iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen Xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha muuqda ee dowladda Soomaaliya ay ku talaabsatay.

Madaxweynaha Yemen waxaa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Soomaaliya u muuqato in ay kasoo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ka dhacay muddada dheer isagoo dhanka kalana xusay in bulshadda caalamku ay hadda diyaar u tahay sidii ay ku caawin lahaayd Soomaaliya.

Markii ay kulamadaan soo idlaadeen waxaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisu ay qado sharaf u sameeyeen ra’iisul wasaaraha Yemen iyo xubno ka socday golihiisa wasiiradda, waxaa sidoo kale la filayaa in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay caawa la kulmaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Yemen.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Sanca, Yemen
0096734043235
Email:Ridwaanhaji@gmail.com



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved