 |
NAVIGATION |
 |
 |
BBC SOMALI |
 |
 |
VOA SOMALI |
 |
 |
FIND US ON FACEBOOK |
 |
 |
RANDOM MEDIA |
 |
 |
SOMALI LINKS |
 |
 |
WORLD NEWSPAPERS |
 |
|
 |
WAR BIXIN:- Warar sheegaya in saraakiisha sare ee Al-shabaab uu xilligaan shaki aad u weyn soo kala dhex galay.
May 10 2013 14:27:51
|
 |
Xarakada Al-shabaab waa urur ka dagaalama dalka Soomaaliya islamarkaana sheega inuu dib u xureeynta Soomaaliya dhiig badan u daadinaayo, hase ahaatee xaajada ayaa sidaasi ka bedalantay ka dib markii ay waayeen taageeradii horay ay u haayeen shacabka Soomaalida qaarkood.
Saraakiisha ugu sarsareeysa ee Al-shabaab ayaa xilligaan waxaa la sheegayaa inuu ka dhex taagan yahay khilaaf aan yareen, waxaana ay yihiin kuwo habeen iyo maalin ciidamadooda heegan ku kala jira sida ay u kala baqaayaan awgeed, waana kuwo cabsidooda ay meel dhexe mareeyso.
Hogaamiyaha Xarakada Al-shabaab Axmed Godane oo u baqaaya in xilkaasi laga qaado ayaa bilaabay ugaarsiga cid walba oo uu u arko inay jagadiisa qaban karto, waxaana uu yahay mid ku jira gaaditaan iyo dagaalo uu qaado.
Rag uu ka mid yahay Sheekh Cali Dheere iyo Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa la sheegayaa in markaan ay ka baqanaayaan in seefta Godane ay iyagu ku tagto, waxaana ay galeen difaac xoogan, si aysan dhibaato u gaarin.
Inta badan meelaha ay ku nool yihiin saraakiishaan ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan, waxaana iyaga oo isla gambanaaya ay yihiin hadana kuwo dhamaantoodba sii kala gambanaaya.
Hadii ay dhacdo in Axmed Godane laga qaado xilka waxa uu ku dhawaaqi doonaa garab kale oo ka baxay Al-shabaab islamarkaana gooni u taagan, laakiinse waxaa yaraaneeysa taageeradiisa iyo dhaqaalaha uu helo.
Dadka badi waxay Axmed Godane ku xantaan inuu ku sugan yahay deegaanada maamulka Somaliland islamarkaana xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo rag ka mid ah maamulkaasi, balse ma jiraan warar madax badaan oo arinkaasi xaqiijinaaya.
Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magalaada Muqdisho.
|
 |
Post Your Comments |
 |
|
    
 |
Login |
 |
Forgotten your password? Request a new one here.
|
|