HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Thursday, May 05, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo balan-qaad culus u sameeyay shacabka gobalka Sh/dhexe.
Posted by Caagane on September 10 2013
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe ayaa ku balan qaaday fulinta qodobo ay amnigu ugu horeeyso oo ay hor dhigeen maamulka iyo waxgaradka gobalkaasi.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo masuuliyiinta maamulka gobalka Sh/dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday in laga taageero dhanka amniga islamarkaana degmooyinka gobalkaas la geeyo ciidamo boolis ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay dhowr jeer oo hore ay soo gaartay cabashada gobalka Sh/dhexe ee la xiriirta in ciidamada amniga la geeyo gobalkaas, waxaana uu madaxweynaha ku balan qaaday in codsigaasi la fulin doono.

Madaxweynaha oo khudbad xasaasi ah ka jeedinaayay kulan uu la qaatay bulshada gobalka Sh/dhexe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si deg deg ah degmooyinka Balcad iyo Jowhar u geeyn doonto ciidamo boolis ah oo amniga goobahaasi suga.

DHAGEEYSO KHUDBADA MADAXWEYNAHA OO DHAMEEYSTIRAN

Wuxuuna sidoo kale sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii ay wax uga qaban lahayd sugidda amniga degmooyinkaas, isagoona dhinaca kale tilmaamay in degmooyinkaasi ay dowladda ka furi doono goob caafimaad, waxbarasho, ceel biyood, saldhig booliis kuwaas oo dhamaantood hoos imaan doono dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved