HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 07, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Usama Al-Britani oo la dilay, meydadkoodane hore loo qaatay.
Posted by Caagane on September 12 2013
Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in duuleedka degmadaasi lagu dilay Cumar Shafik Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-Amriiki oo u dhashay dalka Mareeknka iyo sidoo kale Usama Al-Britani oo isna haysta dhalasho British ah balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Pakistan.

Dilka Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Usama Al-Britani ayaa yimid ka dib markii dhawaan uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay iyaga iyo hogaamiyaha sare ee Xarakada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, iyadoona sidoo kale Abuu Mansuur Al-amriiki uu dhowr jeer kala duwan barta Internetka soo dhigay muuqaalo uu ku dhaleeyceeynayay Axmed Godane.

Ciidamo ka amar qaata Axmed Godane ayaa saakay aroortii hore waxay weerar aad u xoogan ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Xabaal-beeno u ku taala duuleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Labadaas nin ee la dilay ayaa tan iyo bilaawgii sanadkaan waxay dhuumaaleeysanayeen howtka gobalada Bay iyo Bakool, ka dib markii ay naftooda kala baqeen hogaamiyaha sare ee Xarakada Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, kaas oo mudooyinkii dambe labadaasi nin si aad u raad raadsanaayay.

Ka hor inta aan la dilin labadaas nin ayaa waxaa dagaal xoogan dhex maray ciidamo ka amar qaata Axmed Cabdi Godane iyo ciidamada Abuu Mansuur Al-amriiki, waxaana dagaalkaasi ku awood roonaaday ciidankii Axmed Godane, waxayna kadib halkaasi ku dileen labadaasi nin.

Ciidamada Axmed Godane ayaa la sheegayaa inay hore usii qaateen meydadka Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Usama Al-Britani, ka dib markii ay dileen, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn meel ay u qaateen meydadkooda.

Sidoo kale mid ka mid ah nimankii la safnaa Abuu Mansuur Al-amriiki oo lagu magacaabo Khadap Al-masri oo kasoo jeeda dalka Masar ayaa isku dhiibay ciidamada Axmed Godane ee dilay Abuu Mansuur Al-amriiki iyo Usama Al-Britani.

Ciidamada Axmed Godane ayaa dhawaan waxay degmada Baraawe ee gobalka Sh/hoose ku dileen Ibraahim Xaaji Jaamac (Ibraahim Afghan) iyo C/xamiid Xaashi oo loo yaqaanay Macalin Burhaan oo labaduba ka tirsanaa saraakiisha sar-sare ee Xarakada Al-shabaab.

Dhowr jeer oo hore ayaa warbaahinta qaar waxay baahiyeen in la dilay Cumar Hammami oo loo yaqaano Abuu Mansuur Al-amriiki, iyadoona wararkaasi ay noqdeen kuwa beenoobay, balse wararka haatan soo gaaray warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxaa u xaqiijiyay ilo lagu kalsoon yahay.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved