HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Qoraal ku saabsan heshiiska cusub ee Soomaaliya oo ay si wadajir ah usoo wada saareen Catherine Ashton iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
Posted by Caagane on September 13 2013
Cidna ma dafiri karto in Soomaaliya meel fog ka timid, isbedeladii waaweynaa ee dalku soo maray bilihii dhawaa waxay muujinayaan awooda balan-gal ee ah in dalka laga saaro dagaalada sokeeye iyo saboolnimada, balan-gal ay hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ku doonayaa inay uga jawaabaan hiigsiga dadkooda ee mustabal wanaagsan, iyadoo Midowga Yurub iyo shurakada caalamiga ahna ku taagyeerayaan tubtooda dib-u-dhiska iyo xasilinta.

Olola ciidan ee ay horsedka ka yihiin AMISOM, Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxay ka saareen Al-shabaab qaybo badan oo ka mid ah dalka.

Weerarada burcad-badeedka waxay hoos ugu dhaceen 93% labadii sanoo lasoo dhaafay, mana aysan jrin 2013 hal dhacdo ay ku guuleysateen. Weerarada argagixisa ayaa welitood dhulka ka dhacaya iyadoo halista ku aadan nafta, nabadgelyada iyo xasiloonida ay tahay mid dhab ah, laakin Soomaalidu dibada way kasoo noqonayaan waxayna gacan ka geysanayaa maalgashiga iyo dhisidda dowladda cusub.

Midowga Yurub iyo kuwa kaleba waa inay ku taageeraan howshaan dib-u-dhiska si ay Haya'daha cusub ee federalka ay u sameeyaan dowlada federaal ah oo shaqayneeysa qabtaan doorashooyin sida la qorsheeyey 2016.

Si loo astaameeyo horumarka la gaaray loona taagyeero dadaalka dib-u-dhiska waxaannu ku martigelinaynaa shir Brussels 16/9/2013 si loogu daah-furo "Heshiiska cusub ee Soomaaliya".

Dhacdadan waxay ansixin doontaa heshiis balan-gal ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka si loogu socdo si dhaqsi leh tubta nabadda iyo barwaaqada- taasoo ku sar-go'an hanaanka "Heshiiska Cusub" ee lagu taagyeero dalalka nugul iyo kuwa ku sugan xaaladaha colaadaha ka dib.

Dhacdadu waxay soo bandhigi doontaa aragti siyaasadeed oo cad kuna aadan mustaqbalka Soomaaliya, kala mudnaasiinya horumarka leysku af-gartay iyo in la sameeyo farsamooyin lagu maalgeliyo iyo tabihi lagu hubsan lahaa in deeqaha lagu keeno si wax gal lehna is-xisaabin. Waa habkan midka lagu taagyeeri karo hanaan siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ah ee kusoo af-jaraan dastuurkooda kuna qeexaan nooca dowlada federal ee ay doonayaan.

Iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo reer yurub wuxuu gacan ka geystay sal u dhigidda horumarkaan, waqtiyadi dhibka badanaa ee ay Soomaaliya soo martay 20ki sannoo lasoo dhaafay Midowga Yurub marna ma hakin kaalmo, markii macluushu ku habsatay dalka gar-gaarka bani'adannimo ee reer yurub waa la jira.

Marki argagixisanimadu ku halis gelisay qas, Midowga Yurub iyo shurakadiisa waxay taagyeereen ololaha AMISOM in ay dib uga saarto waxayna keentay Ergada Midowga Yurub ee Tababaridda oo ka taagyeereysa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed in ay soo ceshadaan wax galnimadooda.

Marki burca-badeeddu halis gelisay marinada badda ee badweynta Hindiya, Ciidamada Badda Midowga Yurub waxay hakameeyeen burcaddi iyadoo Ergada EUCAP NESTOR loo abuuray in ay xoojiso nabadgelyada badda. Mar walboo ay suurta gal tahay fursad shaqo horumarineed ee waqtiga fog, Sanduuqa horumarinta ee Midowga Yurub waa maalgeliyaa.

Weli, lama joogo meel lagu qanco. Waxaannu u baahannahay in aan sii wadno dadaalka is-bedelka. Halganka looga soo horjeedo Al-shabaab waa in la dhammaystiraa. Hiigsiga siyaasdeed waa in loo rogaa xaqiiga sugan. Dalku wuxuu u baahan yahay hay'ado shaqeeya oo ay dadku aaminsan yihiin ku-xukantanka sharciga, nabadgelyada iyo maamul maaliyadeed oo hufan waa in la dhisaa.

Wadamada deriska la ah dalka waa inay helaan dammaanad in Soomaaliya ay ahaan doonto xoog gacan ka qayb qaata xasiloonida gobalka ee aysan qayb ka noqon xasilooni darada.

Laakin waa in aan wax qabanaa hadda waana in aan wax ku qabanaa wadajir. Guushu waxay ku jirtaa iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka- iskaashi dhab ah oo ay Soomaalidu ku qaadeyso xuquuda iyo waajibaadka dowlad madax-banaan, kuna hananayaan lahaanshaha iyo masuuliyadda mustaqbalkooda. "Shirka Heshiiska Cusub ee Soomaaliya" wuxuu siinayaa fursadaan lagu hananaayo barnaamijka lagu siin lahaa Soomaaliya taagyeerada ay baahan tahay laguna siin lahaa Soomaaliyada mustaqbalka ay mudan yihiin.

Qorayaashu waa: Katharine Ashton, Wakiiladda Sare Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Nabadgelyada ahna Ku-Xigeenka Mahaxweynaha Guddiga Reer Yurub, iyo Mudane Xasan Shiekh Maxamud, Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved