HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 14, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.
Posted by Caagane on September 15 2013
Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helaayaa dagaal culus oo habeenkii xalay ka dhacay deegaan ka tirsan degmada Aw-diinle ee gobalka Bay, kaas oo sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkaas ayaa sida la sheegay ka dhacay deegaanka Dhambal oo ka tirsan degmada Aw-diinle, waxaana uu ku bilaawday ka dib markii ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 3 qof, tiro intaas ka badane waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta degmada Aw-diinle ee gobalka Bay.

Maxamed Sheekh C/laahi oo ah gudoomiyaha degmada Aw-diinle ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka xalay uu ku bilaawday weerar ay marka hore soo qaadeen ciidamada Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka waxyeeladda kasoo gaartay dagaalkaasi ay ahaayeen dhinacyadii dagaalay, isagoona xaqiijiyay in wax qasaare ah aanu soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Aw-diinle ee gobalka Bay ayaa saakay waxay howlgalo culus ka bilaabeen deegaanada ka tirsan degmadaas, iyadoona howlgaladaasi looga gol-leeyahay sugida amaanka halkaas.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved