HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Thursday, February 11, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DEG DEG:- Wafdigii uu hogaaminaayay madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dhoofay magaalada Brussels kuna sii jeeda....
Posted by Caagane on September 17 2013
Wafdigii uu hogaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii shalay ka qeyb galay shir looga hadlaayay arimaha Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka ayaa goordhaw ka dhoofay halkaasi, iyagoona u ambabaxay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Wafdiga uu hogaaminaayo madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirada arimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya islamarkaana ah la-taliyaha madaxweynaha Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacaayo ay goordhaw u amba-baxeen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay ku sugnaan doonaan muddo labo maalmood ah.

Injineer Yariisoow ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kula kulmi doonaan madaxda dalkaasi, waxaana ay ka wada hadli doono arimo ku saabsan xiriirka labada dal, iyagoona sidoo kale la kulmi doona jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan halkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu soo gaba gabeeyo safarkiisa dalka Talyaaniga waxa uu u amba bixi doonaa magaalada Washington DC ee dalka Mareekanka, halkaasi oo uu kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa kulankaasi ka dib usii gudbi doono gobalka Ohio ee dalka Mareekanka, halkaasi oo lagu wado inuu kula kulmo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan, waxaana uu markaas ka dib usii gudbi doonaa New York, si uu uga qeyb galo shirka guud ee Qaramada Midoobay oo halkaasi ka dhici doona.

Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkaan dambe bilaawday dadaalo xoogan oo ay ku dooneeyso inay taageero dhaqaale ugu raadiso dalka Soomaaliya, si loo helo qarashaad lagu bixiyo sugida amaanka oo haatan faraha kasii baxaaya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved