HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Friday, February 12, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Ra'iisul wasaare Saacid oo ka hadlay shirkii ka dhacay magaalada Brussles ee dalka Biljamka.
Posted by Caagane on September 17 2013
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta si weyn usoo dhaweeyey shirka taariikhiga ahaa ee hiigsiga cusub (New Deal) oo maalintii shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Biljamka.

Shirka (New Deal) oo muhiimad gaar ah u lahaa dalka Soomaaliya ayaa waxaa kasoo qeyb galay wakiilo ka kala socda in ka badan kontan wadan, waxaana shirkaas looga yaboohay deeq gaaraysa 1.8 bilyan Euro, oo u dhiganta 2.4 bilyan doolar, iyadoona sidoo kale si buuxda loola qaatay dowladda Soomaaliya barnaamijkii ay la tagtay shirka oo ay ku cadaayeen waxyaalaha ay mudnaanta siinayso sadexda sano ee soo socota.

Shirka New Deal waaa shir la doonayo in wax looga qabto arimaha bulshada, dib-u-dhiska dalka, dib u soo celinta amniga, iyo hormarinta kaaba yaasha dhaqaalaha.

"Shirkii lagusoo gaba-gabeeyay Brussels waa talaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska dalka, waana qorshe Soomaaliyeed. Waxaa dadaal loo galay bilihii ugu danbeeyey in laga qayb galiyo barnaamijkan la-tashigiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo farxad noo ah in caalamku garwaaqsaday in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay maaraynta dhaqaalaha loogu deeqay, taas oo tusaale loogu soo qaadan karo habkii casriga ahaa ee dowladdu u dajisay deeqdii ka timid dalka Norway ee loo qoondeeyey in lagu bixiyo mushaaradka shaqaalaha rayidka ah" Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in sadexda sano ee soo socota qorshaha dowladda u yaala aysan ku filnayn yabooha hada la sameeyay, balse ay ka filayaan caalamka gacan taas ka weyn.

Hiigsiga cusub wuxuu ahmiyad siinayaa in dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya lagu hormarinayo dhamaan gobolada dalka, iyadoo wax looga qabanayo dib-u-dhiska wadooyinka, horumarinta beeraha iyo xoolaha, arrimaha waxbrashada, iyo caafimaadka,

"Aad ayaan ugu farax sanahay dadaalda kala duwan ee dowladu ugu jirto sidii looga fa’idaysan lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kaas oo ahmiyad gaar ah siinaya xasilinta dalka, habaynta garsoorka, sare u qaadida maamulka iyo maareynta lacagaha iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha" Ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid

---DHAMAAD--

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda, XRW Somalia
Mob: +252-61-6969105
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved