HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Wednesday, February 10, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Taliska AMISOM oo si kulul uga hadlay eedeeymo loo jeediyay qaar ka mid ah saraakiishooda.
Posted by Caagane on September 18 2013
Taliska AMISOM ayaa ka hadlay warar maalmahan danbe soo baxaayay oo ku saabsanaa in saraakiil ka tirsan ciidamadooda ay ku kaceen musuqmaasuq aad u baahsan oo ku saabsan in shidaalka iyo raashiinka loogu tala galay ciidankooda suuq madoow lagu iibiyay.

Afhayeenka ciidanka AMISOM Korneel Cali Aadan Xumud oo wareeysi siiyay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliya ayaa sheegay inay jiraan saraakiil ka tirsan taliska AMISOM oo baaritaano ay ku socdaan, kuwaas oo lagu eedeeynayo inay suuq madoow ku iibsadaan shidaalka iyo raashinka loogu tala galay ciidamada AMISOM.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay arintaasi inay tahay mid si weyn u dhaawaceeysa meel ka dhacne ku ah sharafta ciidanka AMISOM, isagoona hoosta ka xariiqay in sharciga lala tiigsan doono oo maxkamad la horgeyn doono ciddii ay ku cadaatane talaabo adag laga qaadi doono.

Afhayeenka ayaa tibaaxay in ciidan u gaar ah ay ka shaqeeyaan dabagalka arimaha nuucaas ah, wuxuuna intaas ku daray inay ka feejigan yihiin sidii ciidamadoodu aysan musuqmaasuq ugu lug yeelan lahayn.

Saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Jeneraal Micheal Odongo oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa loo qaaday gudaha Uganda halkaas oo ay ku wajahayaan maxkamad milateri, kadib markii lagu soo eedeeyey inay musuqmaasuqeen raashinka iyo shidaalka ciidamada oo ay si qarsoodi ah u iibsan jireen.

Korneel Xumud ayaa sheegay in saraakiisha iyo ciidamada AMISOM ay ka war haayaan hadii lagu helo musuqmaasuq in cadaaladda la horkeeni doono, wuxuuna carabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono xukun adagne la dul dhigi doono askarigii eedeymahaas lagu helo.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved