HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Gudoomiye Jawaari oo kulamo culus la qaatay odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle.
Posted by Caagane on September 18 2013
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna ku simaha madaxweynaha dalka oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin gobalka Bay ayaa magaalada Baydhabo kulamo kula qaatay Odayaasha dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka.

Kulamadaan kulankii ugu horeeyey ayuu gudoomiyaha baarlamaanka wadajir ula qaatay Odayaasha dhaqanka gobaladaan iyo xildhibaano ka badan 50, waxaana kulankaasi uu ahaa mid wadatashi ah, iyadoo Odayaasha dhaqanka ay si aad ah u amaaneen sida wadatashiga leh ee uu gudoomiyaha baarlamaanka tixgelin u siinayo talada odayaasha.

Kulankii ku xigay kulankaasi waxa uu gudoomiyaha baarlamaanka la qaatay xubno ka kala socday ururrada bulshada rayidka ah ee gobalka Bay, waxaana kulankaasi uu ahaa mid uu gudoomiyaha baarlamaanka ku dhageeysanayey fikirkooda, sidoo kalena bulshada rayidku waxay gudoomiyaha weeydiiyeen su’aalo la xiriira qorshayaasha dowladda gaar ahaanna arrimaha federaalka.

Gudoomiye Jawaari oo markii kulamadaasi ay soo gebageboobeen saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulammadii uu la qaatay odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada rayidka ay ahaayeen kuwo wadatashi ah oo la xiriiray sida ay dadka gobaladaan ku dhaqan uga tashan lahaayeen aayahooda gaar ahaanna sida ay maamul u sameeysan lahaayeen in laga tashto.

Gudoomiye Jawaari oo ay saxaafaddu weeydiisay su’aal la xiriirtay in odayaasha dhaqanka gobaladaan ay dhowaan sheegeen iney kalsoonidii kala laabteen dowladda ayaa sheegay inaanay Odayaasha dhaqanku kala noqon kalsooni, cida kalsoonida dowladda kala laaban kartana ay tahay baarlamaanka, waxaana uu si cad u qiray inaanay jirin haba yaraatee wax khilaaf ah.

---DHAMAAD---

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved