HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Saturday, May 07, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan xarig loo geeystay Sheekh Maxamed Macalin.
Posted by Caagane on September 18 2013
Ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabadsugida qaranka ayaa habeenkii xalay xabsiga dhigay Xoghayaha guud ee ururkii Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin, ka dib markii maalintii shalay uu shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo aanay soo wargelin dowladda Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa shirkiisa jaraa'id shalay ku sheegay in magaalada Muqdisho ay ku qaban doonaan shirweyne, si buu yiri looga arinsado aayaha ururkooda Xisbul Islaam oo sanadkii 2010-ka ku biiray ururka Xarakada Al-shabaab.

Wuxuu dowladda iyo hay’adaha amaanka ee dalka ku eedeeyay inay si xun ula dhaqmeen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar hogaamin jiray Xisbul Islaam ka hor intii aysan kuwada biirin ururka Al-shabaab.

Sheekh Maxamed Macalin ayaa haatan waxa uu ku xiran yahay xarunta nabad sugida qaranka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo su'aalo lagu weeydiinaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay digniin culus kasoo saartay in magaalada Muqdisho lagu qabto shir aanay iyada ka warqabin, iyadoona sidoo kale u digtay cid alaale cidii ka tirsan ururkii burburay ee Xisbul Islaam oo magaca ururkaasi ku hadlaaya oo magaalada Muqdisho ku qabto shir aanay dowladda ka warqabin.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved