HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO VIDEO:- Gacan ka hadal xoogan oo maanta dhexmaray mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland.
Posted by Caagane on September 18 2013
Waxaa maanta gacan ka hadal aad u xoogan uu dhex maray laba ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Somaliland oo labadii maalmood lasoo dhaafay ka doodayay xeerka horumarinta wadooyinka ee canshuur kordhinta lagu sameeynayo gaadiidka iyo xoolaha la dhoofiyo.

Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Somaliland oo si aad ah ugu kala aragti duwan xeerkaan ayaa taasi waxay keentay inay ukala qeybsameen laba garab, iyagoo qaarkood ay doonayaan in duuduub lagu ansixiyo xeerkaas, halka qaar kalena ay doonayaan inaan la ansixin ee dib loogu celiyo madaxtooyada, maadaama ay dhibaato u horseedi karto dadka danyarta ah ee ku nool halkaas.

Dooda xeerkaan oo xasaasiyadda ahayd ka dhex abuurtay golaha ayaa keentay inay laba xildhibaan ka mid ah baarlamaanka maamulka Somaliland ay is gacan qaadaan, kuwaas oo markii dambe lakala dhex galay.

Gacan ka hadalkaasi ka dib waxa uu gudoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Somaliland ku amray ciidanka meesha ilaalada ka haayay in labada xildhibaan dibadda looga saaro xarunta.

Labada xildhibaan ee gacan ka hadalka dhexmaray ayaa waxay kala ahaayeen xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isaga kasoo horjeeda xeerkaan ah in cashuurta lagu kordhiyo xoolaha iyo gaadiidka iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo isagane raba in xeerkaan la ansixiyo.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved