HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Sunday, February 14, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DHAGEEYSO WAREEYSIGA:- Mid ka mid ahaa musharixiintii u tartameeysay xilka madaxtinimada Soomaaliya oo eedeeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.
Posted by Caagane on September 19 2013
Sheekh Maxamed Yaasiin oo ka mid ahaa musharixiinta sanadkii hore u tartameeysay xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya uu haatan madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona ku eedeeyay inay ku fashilantay balan-qaadyadii ay sameeysay.

Sheekh Maxamed Yaasiin ayaa wuxuu sheegay in markii madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka madaxtinimada ku guuleeystay uu balan ku qaaday in ahmiyada koowaad uu siin doono amaanka, balse taas badalkeed uu ku tilmaamay in dowladiisa ay ku fashilantay.

"Maalintii madaxweyne Xasan Sheekh uu guuleeystay aniga iyo siyaasiyiin badan kale oo ka mid ahaa ragii tartanka doorashada nagula jiray, wuxuu naga codsaday inaan la shaqeeyno aan talooyin siino, balse goobihii wuu naga tashtay, wuxuuna gacanta u galay niman kale oo oon aqoon badan u lahayn sugidda amaanka iyo siyaasad" Sidaas waxaa yiri Sheekh Maxamed Yaasin.

HALKAAN KA DHAGEEYSO HADALKA SHEEKH MAXAMED YAASIIN

Sheekh Maxamed Yaasiin ayaa dhinaca kale tilmaamay in sababaha amniga dalka gaar ahaan kan magaalada Muqdisho wax looga qaban waayay uu ku sheegay in madaxweynaha uu ka dhega adeegay inuu talo wadaag la sameeyo rag uu isaga ka mid yahay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhibka jiro ay tahay inaan la kala garanayn shacabka iyo nimanka Al-shabaabka ka tirsan, iyadoona taas ay sii dheertahay in mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda oo u qaabilsan dhinaca amaanka aysan lahayn aqoon ku filan oo ay wax uga qaban karaan howlaha amaanka.

Sheekh Maxamed Yaasiin ayaa ugu dambeeyn baaq u diray dowladda uu haatan hogaaminaayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana uu ugu baaqay in nidaamka ay haatan wax u wado wax ka badasho oo ay badbaadiso nafta shacabka oo sida micno daradda ah u daadanaaya, islamarkaana ay amaanka dalka xoojiso, iyadoo talo wadaag la sameeynaysa dadka aqoonta dheer u leh arimahaas.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved