HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Tuesday, May 03, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Sheekh Axmed Madoobe oo rajo xumo ka muujiyay shirkii ka dhacay dalka Biljamka.
Posted by Caagane on September 19 2013
Gudoomiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) ayaa rajo xumo ka muujiyay in dowladda Soomaaliya ay si sax ah gacanteeda ugu soo dhacdo dhaqaalaha dhawaan loogu deeqay shirka Brussels ee dalka Biljamka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in beesha caalamka ay wax badan hore u sameeysay balan qaadyo badan oo ku aadan in lacago ay ugu yaboohayaan Soomaaliya balse aan balanqaadyadaasi sidii ay u sheegeen u fulin.

Wuxuu sheegay in dadka Soomaalida oo shirar loogu qabto dibadda aysan wax dan ah ugu jirin balse taasi badalkeeda uu ka jecel yahay kuwa lagu qabto gudaha dalka, markaasina uu caalamka wax u qabanaayo.

"Shirar lagu qabto dibadda, wax dan ah uma lahan Soomaaliya, waxaa ila wanaagsan oo ila haboon in shirarkaas lagu qabto gudaha dalka, markaas ayay beesha caalamka deeqaha ay ugu talagashay soo gaarsiin kartaa" Sidaas waxaa yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxa uu ka mid ahaa mas'uuliyiintii ka qeyb gashay shirka ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Biljamka, waxaana shirkaasi uu ahaa shir balanqaad lacageed loogu sameeyay Soomaaliya, si dib u dhis iyo hormar laga sameeyo dhinaca amaanka oo haatan faraha kasii baxaaya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved