HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Sunday, May 01, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Wasiirada dowladda Soomaaliya oo maanta ansixiyay magacaabista laba wasiir soona dhaweeyay natiijada Shirka lagu qabtay Brussels.
Posted by Caagane on September 19 2013
Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo kulankaan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin natiijadii kasoo baxday shirkii Brussels, soo jeedin la xariirta magacaabista labo safiir, iyo weliba xaaladdaha guud ee dalka.

Shirka ayaa ugu horeyntii waxay golaha wasiiradu dhageeysteen warbixin la xariirta amniga, taasoo lagu sheegay in ciidamada amnigu ay wadeen todobaadkan howlgalo ay ku beegsanayaan kooxo nabadiid ah, kuwaas oo maleegayay qorshayaal ka dhan ah amniga, waxayna xuseen in howlgaladaan mid ka mid ah lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al shabaab, oo uu ku jiro nin gacanyare u ahaa Abuu-mansuur Al Amriiki oo ahaa nin heysta dhalashada Mareykanka, lana rumeysan yahay in dagaal dhex maray labo kooxood oo ka wada tirsan Al shabaab uu ku dhintay.

Gabagabadii kulanka golaha, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiwali, isaga oo xusay in goluhu ay shirkoodan kaga doodeen natiijada shirka Brussels ayna soo dhaweeyeen, kuna tilmaameen in balanqaadyada lacageed ee laga sameeyey shirkaasi ay qeyb ka qaadan doonto horumarinta adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha.

Sidoo kale, afhayeenku waxa uu sheegay in golaha wasiiradu ay ka doodeen soo jeedin ay golaha u soo gudbisay wasaaradda arimaha dibadda kuna saabsan magacaabista safiirada Imaaraadka Carabta iyo Dalka Ciraaq, waxaana labadaan dal loo kala magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan oo loo magacaabay Imaaraadka Carabta iyo Maxamed Shariif Abuu, oo loo magacaabay Safiirka Dalka Ciraaq u fadhiyi doono dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, afhayeenka ayaa sheegay in golaha wasiiradu ay soo dhaweeyeen horumarka ciidanka xooga dalka ay ka sameeyeen degmada Mahadaay ee gobalka Sh/dhexe, waxayna amaan u jeediyeen ciidanka xoogga, iyaga oo xusay in talaabadaan ay horseedeyso in gargaar la gaarsiiyo ayna ka howlgalaan hay’addaha samafalka.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved