HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Thursday, May 05, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


XOG RASMI AH:- Sababta rasmiga ah oo ay diyaarada Itoobiyan Airlines u joojisay duulimaayadii ay ku tagi jirtay Somaliland.
Posted by Caagane on September 20 2013
Shirkadda diyaaradda Itoobiyan Airlines ayaa dhawaan waxay joojisay duulimaadyadii iyo howlihii ay ka haysay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, ka dib markii mas'uuliyiinta shirkadaasi ay shaaciyeen in amaan ahaan ay u baqeen in shaqada halkaasi ka hayn jireen ay sii wadaan.

Xog ay warbaahinta Bulshoweyn heshay ayaa waxay sheegayaan in sababta ay shirkadda u joojisay howlihii iyo duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa ay tahay in wada hadal hoose uu dhex maray mas'uuliyiinta shirkadaasi iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo u qaabilsan dhinaca hawada dalka.

Waxay labada dhinac isku raaceen in duulimaadyada shirkadaasi ay ku sameeyn jirtay magaalada Hargeysa loo weeciyo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaana sidaas inoo xaqiijiyay saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo aynu ka gaabsanay in magacyadooda aynu shaacino.

Arinkaasi ayaa waxaa la sheegayaa inay maqleen mas'uuliyiinta ka tirsan maamulka Somaliland oo u qaabilsan dhinaca hawada halkaasi, iyagoona arinkaasi si aad uga soo horjeestay islamarkaana ku tilmaamay mid cadaalad daro ah oo ay ku kacday shirkadda diyaaradaha Itoobiyan Airlines.

Safiirka cusub dowladda Itoobiya ee u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dhawaan sheegay in sababaha ay diyaarada Itoobiyan Airlines u joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalada Hargeysa ay tahay garoonka magaaladaasi oo qabyo ah islamarkaana aanay macquul noqon kareeyn in diyaaradaha waaweyn ay halkaasi caga dhigtaan, sidaas awgeed ay duulimaadyada shirkadaasi u wareejin doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved