HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Tuesday, February 09, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Wafdi uu horkacaayo madaxweyne Xasan Sheekh oo si heersare loogu soo dhaweeyay magaalada Washington DC ee dalka Mareenkanka.
Posted by Caagane on September 20 2013
Wafdi uu horkacaayo madaxweynaha dowladda federaaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxay gaareen magaalada Washington DC ee dalka Mareekanka, halkaasi oo lagu wado inay kula kulmaan madaxda ka tirsan dalkaas.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ah ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka maaliyadda Maxamuud Xassan Suleymaan, wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo la-taliyeyaal khaas ah, waxaana garoonka magaalada Washington DC ee dalka Mareekanka si heersare ugu soo dhaweeyay mas'uuliyiinta halkaas.

Safarka madaxweynaha ayaa muhiimaddiisa koowaad waxay tahay inuu madaxda dalka Mareekanka kala xaajoodo kuna dhiiri geliyo sidii loo kordhin lahaa taageerada uu dalka Mareekanku ka siiyo Soomaaliya dhanka difaaca, amniga iyo horumarinta sidii nabad waarta looga dhalin lahaa guud ahaanba dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu la kulmay Senator John McCain ee Arizona iyo xildhibaano, wuxuuna kala hadlay qaabka dowladda Mareekanka ay Soomaaliya uga saacidi laheyd dib u habeynta hay’adaha dowliga ah.

Dowladda Mareekanka ayaa waxay ka mid tahay dowladaha sida aadka ah u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana la filayaa in safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu wax badan soo kordhiyo islamarkaana ay sare u qaado taageerida uu Mareekanka u haayo Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in halkaasi uu kulamo kula yeesho madaxweynaha dalka Mareekanka Barack Obama iyo mas'uuliyiin kale, iyadoona kulankaan uu noqon doono kulankii labaad oo ay labadaas madaxweyne wada qaataan.

Madaxweye Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi Mareekanka waxa uu halkaasi kula kulmi doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas, wuxuuna uga warbixin doonaa safaradii uu ku tagay Yurub gaar ahaan magaalada Brusells ee dalka Biljamka, halkaasi oo uu ka qeyb galay shir loo qabtay Soomaalida.



Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved