HOME · WARARKA · ILA QOSOL · SHEEKOOYINKA · FIKRADAHA · SOMALI LINKS · CONTACT US Saturday, April 30, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


Gudoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya oo shaaciyay inuu xilkii iska casilay.
Posted by Caagane on September 20 2013
Gudoomiyihii bankiga dhexe ee Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu ka haayay Bankigaas, isagoona dhinaca kale beeniyay in iscasilaadiisa ay salka ku hayso warbixin ay kooxda dabagalka Qaramada Midoobay kasoo saartay bankiga dhexe ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan in bankiga lacago laga musuq maasuqay.

C/salaan Cumar Hadliye oo isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in 13-kii bishaan September uu warqadii istaqaalada ahayd u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona ka gaabsaday inuu faahfaahiyo sababaha keenay inuu xilkaasi iska casilo.

Warar qaar ayaa waxay sheegayaan in istaqaalada uu gudbiyay C/salaan Cumar Hadliye ay suurta-gal tahay in xukuumadda Soomaaliya ay iyadu arintaasi go’aan ku gaartay, ka dib markii ay soo baxday warbixintii ay soo saareen kooxda dabagalka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Eritreya oo ay gudoomiyaha ku eedeyeen inuu lacag ka musuq maasuqay bankiga dhexe ee Soomaaliya.

C/salaam Cumar ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu ku laaban doono dalka Soomaaliya, isagoona sheegay inuu xilka ku wareejin doono haweeney magaceeda lagu sheegay Yussur Abraar oo xilkaasi loo magacaabay bishii July ee sanadkaan, ka dib markii ay kooxda dabagalka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Eritreya ku eedeeyeen in lacago taalay Bankiga dhexe la musuq maasuqay.

Yusur Abraar ayaa waxay in muddo ah ku nooleed dalka Mareekanka, waxaana ay khibrad u leedahay arimaha maaliyadda oo la sheegay inay kusoo dhex jirtay in muddo ah, waxaana la filayaa in dhawaan xafladda xil wareejinta ay ka dhacdo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright © 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved