HOME WARARKA ILA QOSOL SHEEKOOYINKA FIKRADAHA SOMALI LINKS CONTACT US Monday, February 08, 2016
NAVIGATION
HOME
WARARKA
ILA QOSOL
SHEEKOOYINKA
FIKRADAHA
SOMALI LINKS
SEARCH
CONTACT US



RANDOM MEDIA


SOMALI LINKS
Alimuse.com
Allbulsho
AminArts
BBC Somali
Daarulcilmi
Dauus
Dayniile
Dhacdo
Geesguud
Hamarey
Hiiraan
Hiiraanweb
Hoosingow
Juba
Kaxda.net
Markacadeey
Markacadey.Net
Miisaanka
Qaranimo
Radiomuqdisho
Shabelle
Sheekooyinka
Somalifox
Somalilinks
Somaliweyn
VOA Somali
Waasan
WORLD NEWSPAPERS
Al Ahram
Arab News
Daily Nation
Jamhuuriya
New York Times
The EA Standards
The Sun


DAAWO SAWIRO:- Faah faahin ku saabsan weerarkii maanta lagu qaaday goob ganacsi oo ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Posted by Caagane on September 21 2013
Kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa maanta waxay weerar aad u xoogan ku qaadeen suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo ay damceen inay dhac u geeystaan.

Kooxdaan ayaa goobtaasi waxay ku weerareen rasaas iyo bambooyinka gacanta laga tuuro, waxaana weerarkaasi uu geeystay qasaare xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobtaasi ganacsi oo lagu magacaabo West-gate islamarkaana ku taalo xaafadda Westlands ee magaalada Nairobi ayaa waxay ka mid tahay goobaha ganacsi ee ugu waaweyn dalka Kenya oo ugu caansan, iyadoona goobta uu weerarkaasi ka dhacay ay islamarkiiba gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliiska dalkaas.

Kooxihii weerarka ku qaaday goobtaasi iyo ciidamada booliiska ayaa halkaasi waxay isku dhaafsadeen rasaas aad u xoogan, iyadoona goobta ay noqotay mid lagu kala cararay, waxaana ay israsaaseyntu socotay muddo ku dhawaad 40 daqiiqo, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo xilliga weerarku dhacayay halkaasi ku sugnaa.

Ilaa iyo haatan xaaladda goobtaasi ayaa waxay tahay mid aad u kacsan, lamana oga sida ay ku dambeeyn doonto, waxaana inta la xaqiijiyay weerarkaasi ku geeriyootay ku dhawaad 40 qof, iyadoona sidoo kale ay dhaawacantay tiro intaas ka badan.

Taliska booliska dalka Kenya ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay tiro ahaan gaarayaan ilaa shan qof oo ku hubeeysnaa qoryaha loo yaqaano AK-47 iyo waliba bambaanooyinka gacanta laga tuuro, waxaana ilaa iyo haatan ay ku dhex sugan yihiin qeyb ka mid ah dhismaha, halkaas oo la sheegay inay maxaabiis ahaan u heeystaan ganacsatadii iyo dadkii halkaasi ku sugnaa.



Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

Xafiiska Warbaahinta Bulshoweyn.com ee Magaalada Nairobi.

Nagala Soo Xiriir:- info@bulshoweyn.com

Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Please Login to Post a Comment.




Login
Username

Password



Forgotten your password?
Request a new one here.
Copyright 2007-2016 Bulshoweyn.com | All Rights Reserved